Thursday, November 25, 2010

Maxaa sababa tabardarida galmada (kacsiga dumarka)

Maxaa sababa tabardarida xaga galmada (kacsiga) ee soo wajahda dumarka?

 

Tabardarida soo wajahda dumarka xiliga galmada ee afka qalaadna lagu magacaabo (sexual dysfunction) ayaa waxaa lagu qeexa dhibaato soo wajahda xiliga isu taga jinsiga taas oo alaaba lala xiriiriyo qanaaco la’aan kadhalata isu taga.

 

Tusaale ahaan culimada amaba dhaqaatiirta jinsiga ayaa waxey sheegaan in illaa 4 heer uu maro isu taga jinsiga taas oo ah, dareemid raaxo marka hore, u bislaasho galmo, kacsi, iyo weliba raali ahaanshiya imaato kadib marka ay dhammaato howsha isu taga taas oo qof walba 2da lamaane ay dareemayaan in ay gareen meel ay u wada hanqaltagayeen oo ah in mid walba uu qanciyay midka kale.

 

Cilmi baaris lasameeyay ayaa waxey soo jeedisay 43% dumarka iyo 31% ragga in ay so wajahaan culeysyo kaheysta xagga jinsiga, mowducaan ayaa ah mid inta badan dadka ay nacebyihiin in laga hadlo lakiin nasiib wanaag keysaska inta badan ee cuduradaan ayaa ah mid si fudud loo daweyn karo sidaas darteed ayaa waxaa muhim ah in aad lasameysid wada tashi lamaanahaada iyo dhaqtarka cafimaadkaada.

 

Hadaba maxaa sababa dhibaatooyinkaan?

 

Asbaabaha sabab cudurkaan ayaa waxaa la’aminsanyahay in ay yihiin laba sabab oo kala ah 1- asbaabo ah fisikaal ( physical causes ) 2- asbaabo ah wal wal laxiriira saykoloji (psychological causes).

asbaabaha fisikaalka ah ( physical causes) sababahaan ayaa ah mid laxiriirta cafimaad iyadoo ay jiraan cuduro si toos ah loola xiriiriyo in ay sabab u yihiin in haweyneydu uu kudhacao cudurkaan tabardaridi xagga galamada iyadoo cuduradaasna ay yihiin sida cudurka kaadi macaanka amaba sokorowga (diabetes) cudurada kudhaca wadnaha ( heart diseases), cudurada kudhaca neerfaha (neurological diseases), isu dheelitir la’aanta  hormoonada (hormonal imbalances),cudurada karoonikada ah sida cudurka fashilka kilyaha (kidney failure), iyo cudurka kale ee fashilka beerka ( liver failure ), cabida xad dhaafka ah ee alkolada amaba khamriga, isticmaalka daroogooyinka iyo weliba dhibaato dhinaceedka ay leyihiin qaar katirsan dawooyinka sida (antidepressant drugs) kuwaas oo loo isticmaalo daweynta dadka qaba walaaca ama shooga, dhammaan asbabahaan ay waxey dhaliyaan hoos u dhac kuyimaada damaca xagga galmada.

asbaabaha saykolojiga amaba laxiriira dhimirka ayaa isugu jira asbaabo laxiriira daalka amaba istareeska walaac ( anxiety), walaac ay kaqabto haweneydu  galmada, dhibaatooyin xagga xiriirka u dhaxeeya labada qof , welwelka xad dhaafka ah , dareemid ah in haweyneydu dareemto eednaan, amaba welwel kudhacay haweeneyda isu tag galma hore oo ay cabsina ay kaqabto galmada.

 

Yuu kudhaca dhibaatooyinka tabardarida galma?

 

Guud ahaan rag iyo dumarba wuu kudhici kara wuxuuna kudhaca dhamman labada jinsiba da’ kasta badanaana wuxuu kudhaca dadka qaangaarka ah ee cafimaad ahaana aan aheyn kuwo aad u cafimaad qaba oo nafaqa ahaana aan aad u nafaqysneen.

Sidee u sameeysa tabardarida galmada dumarka?

 

Dhibaatooyinka ugu caansan ee illa hadda la ogyahay ee laxiriira tabardarada galmada dumarka ayaa ah.

 

awood la’aanta xagga rabida galmada (inability to sexual desire) arimahaan ayaa iyagu waxaa lala xiriiriya la’aanta in ay haweneydu rabitaankeeda xagga galmada uu hoseeyo oo aysana wax han ah u heynin galmada waxaana la’aminsanyahay in cunsuro badan ay taa ugu wacanyihiin sida isbedelka hormoonada, xaaladaha caafimaadka iyo daweyn laga soo daweeyay cudurka kansarka iyadoo doweyntaasna loo maray kiimiko (chemotherapy), sidoo kale welwelka kaheysta haweeneyda ficiladeeda ayaa iyana qeyb kaqaata waxaa kale oo iyana door kuleh habka isku xiga galmada iyo wareegyada galmada (sexual routines) tani ayaa iyana waxaa la’aminsanyahay in ay kaqeyb qaadato rabitaan la’aanta galmada , iyo ugu danbeyn qaabka nolosha haweneyda.

awood la’aanta in ay si wanaagsan u dareemto amaba u kacsato (inability to become aroused), dareemid la’aanta haweneyda xiliga galmada ayaa allaaba waxaa lala xiriiriya yarida qoyaanka xubinta tarenkeeda ( vaginal lubrications) sidoo kale waxaa si toos ah loola xiririya walaaca iyo weliba in aysan haweneyda aysan u istimtaacin si kufilan, baarayaasha cudurada galmada ayaa waxaa kale oo ay  kuhowlanyihiin sidii ay u ogaan lahayeen sameynta uu kuleeyahay qulqulka dhiiga xubinta taranka dumarka iyo kintirka (clitoris) iyo sida uu uga qeyb qaato dhibaatooyinka kaheysta haweenka kacsiga.

xanuun kaqabsada xubinta taranka haweenka xiliga galmad (painful during intercourse) xanuunadaan dhaca xiliga galmada ayaa waxaa sababa dhibaatooyin fara badan oo ay kamid yihiin infakshanka xubinta taranka haweenka, cufnaanta amaba mugga  berkada xubinta taranka haweenka ( pelvic mass), cudurada lagu kala qaado galmada (STD) iyo xaalad lagu magacaabo (viginismus) taas oo ah xanuun iyo xafaf kasoo wajaha haweenka murqaha kuxeeran afaafka hore ee ilinka amaba albaabka hore ee xubinta taranka haweenka wuxuuna kudhaca haweenka badana kabaqda isliska 2da xubnood ee taranka dumarka iyo ragga.

 

Side loo baara tabardarida galmada dumarka?

 

Si loo baaro taabardarida galmada dumarka ayaa dhaqtarku wuxuu bilaaba ugu horeynba in u sameeyo baritaan dhanka jirka ah ( physical exam) isaga oo qimeynaya astaamaha uu leeyahay cudurkaan ayaa dhaqtarku wuxuu sidoo kale sameeya baarida berkeda xubinta taranka ( pelvic exam) si uu u qimeeyo fayi qabida xubnaha taranka isagoo welina sameeya baritaan dheer oo lagu magacaabo (Pap Smear) kaas oo ah in labaaro unugyo laga soo qaaday dhuunta hore ee minka amaba riximka si looga baaro in haweeneydu qabto cudurka kansarka ee dhuunta riximka (cervical cancer),baritaanka noocaan oo kale ahana waxaa lagu ogaado xaaladaha kahoreeya kansarka kudhaco dhuunta riximka (precancerous conditions) hadaba baritaankaan ayaa sidoo kale waxaa lagu ogaada isbedelka unugyada dhuunta riximka , alaabna baritaankaan wuxuu kasaacida dhaqtarka in uu u sameeya bukaanka daawada ugu haboon si loo daaweeyo mushkiladaha ay dhaliyaan cudurada kudhaco taranka haweenka.

 

Side loo daweeya tabardarida galmada dumarka?

 

Sida ugu haboon ee loo daweeyo tabardarida galmada dumarka ayaa ah dadaal wadareed ay sameeyaan hawaneyda qabta cudurka, dhaqtarka, iyo qof u tababaran daweynta dadka qaba cudurkan badanaana noocyada cudurkaan kuwa ladaweyn karo sida kuwa laxiriira dhibaatooyinka xagga dhimarka (psychological problems) ayaa si fudud loo daweeya kadib marka ladaweeyo ugu horeynba dhibaatada xaga dhimirka ah taas oo ah mida kusababtay dhibanaha in uu helo cudurkaan tabardarida galmada sida welwelka (anxiety) shooga  iyo wixii lamid ah.

 

I stiratijooyinka kale ee lagu daweeyo cudurkaan ayaa ah sida soo socota:-

 

Qofka oo lasiiyo aqoon kufilan ee xagga isu taga jinsiga (providing education) aqoontaas oo ah sida ay u sameysanyihiin xubnaha jirka banii aadamka gaar ahaan kuwa laxiriira jinsiga, sida galmadu u shaqeyso iyo isbedelka caadiga ah ee laxiriira hurumarida cimriga aadanaha iyo sida uu ugu leeyahay sameyn dhaqanka galmada intaa waxaa si dheer bukaanka oo loo sheego in uu wax kabedelo dhaqanka galmadiisa isagoo lagula taliyo haddi dhibaatooyin dhimarka ahna heystaan in uu aado dhaqtar sameeya tashiga xaga dhimirka (consoling) si uu uga samata baxo dhibaatooyinkaas.

Dar dar galinta istimtaaca (enhancing stimulation) arintaan ayaa waxaa soo geli kara in in la’isticmaalo waxyaaba dareenka kiciya sida muqaalada qaawnaashada buugaagta kahadlo qaababka galmada si qofka loo dar dar galiyo dareenkiisa isla markaana loo kiciyo dareenkiisa iyo damaciisa dhinsan ee laxiriira galmada.

Yareynta xanuunka xiliga galmada (minimizing penetration pain during intercourse) tan ayaa iyana ah mid kale oo ah wax tar si loo daweeyo xanuunkaan waana in looga taga haweneyda xiliga galmada meel qeyb ahaan yareyn karta xanuunka kasoo wajaha isliska xubnaha taranka xiliga ay socoto galmada, waxaa kale oo lagu taliya si loo yareeyo xanuunka isliska in la’isticmaalo waxyaabo lagu qooyi karo xubinta taranka haweneyda sida qooyaha canbarka ee afka qalaadna loogu yeero ( vaginal lubricant) kaas oo ah waxyaabo sibix ah oo la mariyo xubinta taranka kahor galmada si uu u yareeyo suurta galnimada xanuun kadhasha isliska, sidoo kale waxaa lasheega in kuqubeysashada haweneydu ay ku qubeysato biyo kulu kahor wax yar galmada uu kasaacidi karo in wax xooga qoyaan ah ay kasoo bixi karaan xubinteeda taranka xiliga galmada.

 

Mala daaweyn kara tabardarida galmada dumarka?

 

Daaweynta guusha kudhmaata ee tabardarida galmada dumarka ayaa uun waxey kuxirantahay marka hore asbaabaha sababay tusaale ahaan muqaalka kore ee daaweynta fudud ayaa ah kuwa sida fudud loo daweyn karo ee badanaana laxiriira arimaha dhanka saykolojiyada ee uu dhaliyo walaaca shooga iyo daalka laga qaado shaqada ( work stress).

 

Sidee sameyn ugu leeyihinn hormoondu tabardarida galmada dumarka?

 

Hormoonada ayaa waxaa la’aminsanyahay in ay door kuleyihiin qabeynta shaqada galmada dumarka iyadoo sidoo kalena lasheego in hoos u dhaca hoormoonka lagu magacaabo estrogen ee isaga doorka kaciyaara qaabeynta hoowsha galmada dumarka uu leeyahay dhibaato fara badan hormoonkaan ayaa waxaa si toos ah yaraanshiyahiisa loola xiriiriya horumarka da’da amaba ciriga haweneyda iyadoo xiliga ay kusii dhawaneyso quusta (menopause) uu sii yaraado, inta badanna dumarka waxey usoo joogaan isbedalo dhanka galmada marka uu cimrigoodu horay u maro isbedaladaas oo isugu jira in qoyaanka xubinta taranka yaraado, iyo dareenka afka canbarka oo yaraada.

Daraasado dheraad ah oo lasameeyay dhawanahaana waxey soo jeediyeen in hoos u dhaca kuyimaado hormoonka ragga ee dhinaca galmada uu isagu xitaa door kuleyahay kana qeyb qaato yaraanshiyaha damaca galmada dumarka, dhaqaatiirta cafimaadka ayaa weli waxey baritaan kuhayaan faa’iidada hormoonada iyo qaar katirsan dawooyinka sida Viagara oo inta badanna dadku wada garanayaan ay u leeyihiin daaweynta dhibaayooyinka galmada dumarka.

 

Sameyn ceynkaa ah ayuu ku leeyahay qaliinka lagu magacaabo (Hysterectomy) tabardarida galmada dumarka?

 

Haddaba in badan oo katirsan dumarka ayaa waxaa soo wajaha dhibatooyinka tabardarida galmada marka lagu sameeyo qaliinka afka qalaad lagu magacaabo (Hystrerectomy) kaas oo ah in lagu sameeyo  haweyneyda qaliin amaba jaraaxo lagaga saarayo riximka, dhibatooyinkaan ayaa waxey isugu jiraan in ay kudhacdo haweneyda damac la’aan amaba u baahnaashiyo xagga galmada iyo in ay hoos u dhacaan qoyaanada kasoo baxa xubinta taranka, waxaa kale oo kudhaca xafaf iyo xanuun badan oo kasoo wajaha xubinta taranka, waxaana dhaqaatiirta cudurada jinsiga ay aminsanyihiin in ay taa ugu wacantahay isbedelka xagga hormoonada ee kudhacaya haweenka marka laga saaro riximka tiiyo ay sii dheertahay waxyeelada gareysa neerfaha xubinta taranka qalinka  dartiisd ay yareyn karaan dareenka illaah u siiyay xubinta taranka dumarka in ay dareento jinsiga kasoo horjeeda (ragga).

 

Sidee sameyn ugu leedahay quusto(Menopause) tabardarida galmada dumarka?

 

Haweenka ayaa marka ay garaan xiliga quusta amaba marka ay joojiso in ay kudhacdo caadado waxaa hoos u dhaca homoonka lagu magacaabo Estrogen kaas oo qeyb ahaan qabta shaqada laxiriirta dhaqanka galmada sidoo kale dareenka ah in haweneydu ay kusii dhawaaneyso quusta ayaa wuxuu ku leeyahay sameeyn in wax xooga haweenka uu yaraado dareenkeeda xagga galmada dabadeedna ay adkaato in ay si wax ku ool ah ay u dareento galmada, waxaana jira xaalado mar mar dhaca oo ah in haweenka qaar uu dareenkooda xagga galmada uu saa’ido xiliga ay kusii dhawaneyso quusta taas oo badana lala xiriiriyo haweenka aan horay wax u dhalin kuwaas oo is leh kahor quusta aad wax dhashid.

 

Gormee ayaad u bahantahay in aad dhaqtar kala xiriirtay dhibaatooyinka tabardarida galmada?

 

Inta badan haweenka wey loo darsaan dhibaatoyinkan tabardarida galmada waqti uun katirsan noloshooda, si kata oo ay ahaataba marka ay si joogta ah u cabato ayaa waxey ku sababi karaan haweneyda iyo lamanaheeda dhibaatooyin xagga qoyska ah kuwaas oo ku yeelan kara sameyn aan wanaagsaneyn xiriirka qoyskooda, haddaba haddii aad si joogta uga cabato dhibaatooyinkan laxiriir dhaqtar si uu u qimeeyo dhibaatada ku heysata dabadeedna uu u daweeyo.

Qore Abdisalan H. Da’ud

sleepnotlonger@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

3 comments:

  1. waaw waar bixin aad u fiican aniga runtii waan jecleestay waxey wax barey dumarka sidii ay uga hortagi lahayeen afadaan dhibka badan

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  3. 10cric login, registration, games, live casino - Gold Casino
    The 10cric login mobile casino in India is the first to be approved in the state of Maharashtra. ボンズ カジノ With a new ラッキーニッキー license issued on March 22, 2020, players can play online slots,

    ReplyDelete