Thursday, November 25, 2010

Qormada tafaftiraha

Waxaad inta badan dadka ay maalmihii danbe hadal hayeen dastuurka qabyo qoraalka cusub  oo ay soo bandhigeen gudiga dasturka kaas oo dooda ugu weyn maalmihii danbe ay aheyd arinta laxiriirta federaalka kaas oo dood weyn dhaliyay iyadoo qeyb ahaana dadku ku kala qeybsameen suurta galnimada in laqaato nidaamka federaalka iyo sida uu ugu cuntami karo siyaasad ahaan dalkeena Soomaliya.


Haddaba waa maxay Federaal?


Federaal waa fikrad siyaasadeed taas oo awooda madax banaanida dastuur ahaan loo qeybinaayo 2 qeybood mid ay leedahay dowlada dhexe iyo mid ay leyihiin waaxaha siyaasada degmooyinka ama gobolada ama waxaa lagu qeexa hab ay wadagayaan siyaasada maamulka dowlada hoose iyo doowlad gaboledyadu, dowlada hoose ayaa iyadu waxey mas'uul katahay arimaha nabadgalyada iyo diploomaasiyada halka ay dowlad goboleedyaduna ay mas'uul kayihiin socodsiinta howlaha siyaasada iyo dhaqaalaha gudaha dowlada goboleedyada.


Qaab ahaan federaalku mala jaan qaadi kara nidaamka siyaasada soomalida ee kudhisan Qabiilka?


inta badan dadka Soomaalida waxey si fiican uga dharagsanyihiin qaababkii Soomalidu wax kuqebysaneysay tan iyo markii ay dhacday dowladii milatariga ee Jaalle Max'ed Siyaad Bare sanadku markuu ahaa 1991 qaabkaas oo ahaa qaab kudhisan qabiil iyadoo dowladihii danbana ay awoodaha ku qeybsanayeen qaabka caan baxay ee 4.5 kaas oo sida muuqata ahaa qaab Soomaalida loogu qeybiyay 4 qabiil iyo bar ahna mid hoos loogu dhigayo qoomiyado Soomaaliyeed astaana u ah sad bursiga qabyaalada kudhisan ee soomaalida.
haddaba haddii la eego siyaasadaha is diidan ee qabaa'ilka soomalida lagu daray sad bursiga iyo xaqiraada loo geesto qaar katirsan dadweynaha somaaliyeed ayaa waxey dhalin karta qatar siyaasadeed oo hor leh haddi laqaato federaalka taas oo cawaaqibta kasoo baxdana ay noqon karto mid aan loo wada mahadnaqin tusaalaha ugu fudud ayaa wuxuu  yahay isqabqabsiga siyaasada ee hadda kadhextagaan waaxaha sharci dejinta iyo fulinta dowlada TFG ee laxiriira arinta ansixinta golaha wasiirada kaas oo ragaadiyay howshii looga fadhiyay waaxda fulinta TFG, marka makula tahay haddii lasameeyo federaal xukuumad goboleedyo fara badana ay suurta gal tahay in aan kagudbi karno isqabqabsiyo siyaasadeed? jawaabta arintaan ayaa waxey noqoneysa marka ay ugu yaraato kadaran oo dibi dhal , waxa soo bixi karana waxey uun noqan karan iska hor'imaad siyaasadeed oo hor leh kaas oo markaanna dhibatadiisu noqoneyso in dadkii soomaaliyeed ee iskaga safri jiray gobolo fara badan kunoqda laf dhuun gashay iyadoo ay imaan kartana halkii marki hore ay jirtay waa kuma qabiilkaadu? ay kusoo korodho gobolkaadu waa kee ama xagee gobol ahaan kasoo jeeda? haddii ay taasi dhacdana waa godkii inta badan ay noo qodi jireen cadawga umada soomaliyeed oo aanu kudhacnay.
dadka u ololeeyo federaalka ayaa maalmihii danbe waxey wadeen ololo ay dadka soomalida uga raaridiyaan federaalka iyagoo welibana tageero kahelaya hay'ada caalami ah oo qeyb ahaana aan si fiican ula socon qaabka siyaasada soomaalida iyo sida ay wax u qeybsankaraan iyagoo ololahaasna ay ugu weynayeen sameynta maamul goboleedyo fara badan oo si isdaba jooga ah ugu dhacaayay dhagaha umada weynta soomaliyeed maalmihii ugu danbeeyay sida Waax iyo Waadi, Galmudug, Ximin iyo Xeeb,iyo kii ugu danbeeyay ee looga dhawaaqay dhawaan magaaladatan Nairobi ee Green line State, ujeedada ugu weyn ee laga lahaay ololoyashaan ayaa ahaa in dadka somaaliyeed in badan ay maqlaan federaalka si uu noqdo wax iska caadi ah oo cid shaki aan kudhalin karin, tanina waa dacaayada ugu weyn ee illa hadda guusha u muuqata oo ay sameyeen dadka u ololeeya federaalka,haddii aan si quman oo cilmi kudhisana loo wajihin waa godkii ugu danbeyay ee ladhigi lahaa soomaaliya waana siriqda ugu weyn ee cadawga umada uu ladamacsanyahay dalka.


Qore:- Abdisalan H. Da'ud
sleepnotlonger@gmail.com

2 comments:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete