Saturday, March 17, 2012

Illaha dhaqaalaha Soomaliya oo noqonaya hadafka xiga ee faraglinta reer galbeedka


Mas’uuliyiin sare oo ka yimi in ka badan 40 wadan oo caalamka ah Bangiga
aduunnka Qaramada Midoobay ayaa ku kulmay daarta Lacaster ee magaalda
London 23 Febaraayo halkaas oo lagaga hadlayay arimo quseeya xaalada
murugsan ee Soomaaliya, madaxdii kasoo qeyb gashay kulanka ayaa waxaa
kamid ahaa Xogahaya arimaha dibada Mareykanka Hillary Clinton,Ra’iisul
Wasaaraha Britain David Cameron, Xoghayaha arimaha dibada Faransiiska
Alain Jubbe iyo waliba xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ban Ki
Moon.
Gabagabadii shirka ayaa madaxdii shirtay waxa ay heshiis ku gareen in
amuuraha nabad galyada ay noqdaan waxa ugu weyn ee makaasi diirada la
saarayo xiligan iyadoo mas’uuliyiinti kasoo qeyb gashay shirkana ay balan
iyo wacad ku qadeen in laga shaqeeyo sidii loo hormarin lahaa
Nabadgalyada isla markaana loo yeelan lahaa dadaal mid ah sidii looga
hortagi laha Burcad badeeda xiliyadii danbe dhiibatada ku heysay
maraakiibta maraya Badweynta Hidiya.
Inkasta oo shirku kusoo idlaaday si heshiis ah ayaa haddana waxaa jira
fikrada kale oo ku tilmaamaya shirka in uu ahaa qorshe reer galbeedku uga
gollaha sidii uu faragalin ugu sameyn lahaa Soomaliya si uu u hantiyo Illaha
dhaqaale ee Soomaliya Mustaqbalka.
Global Forum oo ah hey’ad wax indha indheysa oo raacsan Qaramada
Midoobay ayaa waxey daabacday warbixin Soomaliya ku saabsan oo
markaasi ka kooban 14 Bog, warbaxinta ayaa lagu sheegay in xiseynta cusub
ee reer galbeedka Soomaliya ay uun tahay sidii lagu heli lahaa Macdanta
ceegaagta dhulka Soomaliya ee isugu jirta Birta ( Iron Ore) yuraaniyamta,
Maarta, Gaaska dabiiciga ah iyo qiyaastii 5 illa 10 Bilyan oo barmiil oo
shidaal ah lacag ahaana ah 500 oo Bilyan oo Doolarka Mareykanka ah.
Warbaxinta ayaa waxaa lagu sheegay sidoo kale in dadaalada isdaba jooga
ah ee lagu dalbanayo in Soomaliya la geeyo ciidamo Shisheeye si loo
xasiliyo aysan wax macna ah u lahayn xalinta mashaakilaadka heysta
Soomaaliya.
Bill Fletcher oo markaasi wax odorasa ayaa wuxuu ku doodaya in reer
galbeedku aysan ka walaacsaneyn deganaan la’aanta siyaasadeed ee
somaliya, uma maleynayo in reer galbeedku ay walaac ka qabaan in
somaliya ay aheyd dowlad la’aan muda ka badan 20 sano, Mr Fletcher oo
hadalkii si wata ayaa markaasi sheegay waxa ugu weyn ee walaca reer
galbeedku uu yahay ayaa ah khatarta ka’imaneysa argagixisada, mareykanka
ayaa amuuraha kaga sii daray ayuu sii raaciayay Khabiirkan isaga oo isla
markaana sheegay in illa dowladi Bush-kii 2aad dadaaladi ay sameysay ay
uun si kordhisay in ay si weyneyso khatarta argagaxisnimo ee markaas ka
imaaneysay Soomaliya.
Fletcher ayaa tusaale usoo qaatay Maxaakiimti islaamiga marka uu ka
hadlayay sida mareykanu u kordhiyeen khatarta argagaxisnimo ee
Soomaliya, maxaakiimtu waxey ahayeen dhaqdhaqaaq u istaagay in ay
hormariyaan nolosha dadka Soomaliya ayuu sii raaciayay, lakiin nasiib daro
waxaa weerar cir iyo dhul ahba kusoo qaaday dowlada Ethiopia oo markaas
tageero ka heleysay Mareykanka.
Maxakiimtu ma aysan aheyn urur argagixiso lakiinse mareykanku wuxuu u
isticmaalay ciidamada Ethiopia taas oo dhalisay in wax wlaba ay kabaxaan
gacanta taasina waxaa ka dhashay Alshabab oo indhawaalana sheegtay in ay
ka tirsantahay urur weynaha Alaqacida ayuu ku dooday Fletcher.
Reer galbeedku waxey si idha la’aan ah isugu dayayaan in ay gacanta kusii
hayaan illaha dhaqaale ee Africa sidaa darteed waxa hadda Soomaliya ka
dhacaya kama duwana waxa kadhacaya Jamhuuriyada Dimuquraadiga
Congo ee ah in boob loo geysto illaha dhaqaale sidaana waxaa sheegay
Omowale Sowere oo ah qoraa ka tirsan Sahara Report.
Reer galbeedku waxey ku qariyaan damacooda siyaasadaha Caalamiga ah
qaraarada qaramada Midoobay iyo iyaga oo sheega mar walba in loo
baahanyahay faragalin si loo sameeyo kaalmo banii’adanimo ayuu sii
raaciyay Omwale Sowere.
Dowlada Britain oo iyadu aheyd gumeystihii qeybta waqooyi ee Soomaliya
qarniyadii 19aad iyo 20aad ayaa iyadu waxey garwadeen ka ahayd marsiinta
qaraar wada jir ah 22 Febaraayo Maalin kahor uun shirkii London kaas oo
ku baaqayay in la gaarsiiyo ciidamada Amisom 17,731 askari.
James Paul oo ah madaxa Global Forum ayaa isana wuxuu ku doodaya in
reer galbeedku ay isticmalaan uun awood si ay ku garaan danahooda
dhaqaale iyo siyasadeedba, awoodaha waaweyn sida Mareykanka Ingriiska
iyo Fransiiska ma yaqanaan wax kale oo aan ka aheyn awood ayuu sii
raaciyay Mr James.
Shabakada wararka ee Ban African News Wire ayaa waxey dabacday 23
Febarayo in cidamda difaaca Kenya iyo Ethiopia ee galay Somaaliya
October 2011 hagidooda ay si toos ah kaga imaaneysay Aqalka cad ee
mareykanka iyo waaxda difaaca Mareykanka, shabakada ayaa waxey qortay
sidoo kale in wadamada Mareykanka Fransiiska iyo Israel ay si toos ah uga
qeyb qateen dagaalka lagula jiro Alshabab.
Dadka wax indhaindheeya ayaa waxey sheegayaan in reer galbeedku rabaan
in Soomaaliya ay u noqoto keyd laga soo baxsho shidaalka iyo macdanta
mustaqbalka si ay ugu sii qudiyaan dhaqaalahooda, warbixin ay daabacday
majalada The Guardian ee kasoo baxda London ayaa lagu sheegay in
isbahaysiga caalimiga ah ee ku shiray London ay dajiyeen fikrad deg deg ah
xagaagii 2010 iyo 2011 taas oo lagaga hortagayo burcad badeeda iyo
Alshabab iyada oo lagu heshiiyay in Cirka iyo Badaba laga duqeeyo
saldhigyada Alshabab iyo burcad badeeda.
Sidoo kale waxey sheegtay The Guardian in diyaaradaha cidna aysan wadin
ee loo yaqaan Drones bar tilmaameedsanayeen xoogaga Alshabab in muda
ah iyadoona lasoo warinayo in Mareykanka Ingriiska Holland iyo
Fransiiskuba ay ku lug lahayeen Wararadaas.
Omwale Sowere ayaa isagu wuxuu ku doodaya in Somaaliya tahay muhiim
istaraatiijiyad ahaan marka ay timaado dagaalka ay reer galbeedku ugu
jiraan illaha dhaqaale, waxaa loo baahanyahay in ay dadku fahmaan
faragalinta reer galbeedku in ay tahay qorshe ay ku qabsanayaan illaha
dhaqaalaha Africa.
Xoghayaha arimaha dibada Britain William Hague ayaa isagu waxaa uu
kaga dhawaajiyay danaha dhaqaleed ay leedahay yurub mar uu hadlayay 8
Febaraayo isaga oo hoosta kaxariiqay in 23 kun oo markab ay marto
khaliijka cadan sanad kasta wuxuuna intaa sii raaciyay in 1 tirilyan oo Dollar
oo badeeca ah oo ka timi ama u socoto yurub ay marto Khaliijka cadan.

Abdisalam Hassan Daud
E-mail:- abdisalandaud@yahoo.com