Saturday, November 27, 2010

Ra’iisul wasaare Farmaajo oo helay codka kalsoonida

Dowlada uu soo dhisay ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo ayaa maanta waxey kaheyshay codka kalsoonida barlamaanka dowlada kumeel gaarka .

Kal fadhi ay maanta ku yesheen barlamaanka magaalada muqdisho ayaa waxaa  kasoo qeyb galay 343 halkaas oo gudoomiyaha barlamaanka u sheegay in ay ilaaliyaan xasiloonida iyo hab sami u socodka howsha barlamaanka Sharif Xasan sheikh Adan ayaa u sheegay barlamaanka in aduunyadu ay canbaareysay kalfadhigii kan kahoreeyay wixii dhacay isagoona u sheegay in ay dajiyaan oo wax walba oo ay sameynayaan u sameyaan si miyir kujiro, intaas kadibna waxuu kacodsaday xildhibaanada barlamaanka in cod la galiyo haddii ay noqoneyso kalsooni siinto  qarsoodi ama gacan tag.

250 xildhibaan ayaa u codeysay in ay noqoto gacan tag halka 93  ay doorteen in laga dhigo qarsoodi kadibna gudoomiyaha barlamaanka ayaa amray in laga codka mid gacan tag.

Codeyntii ansaxinta kadiba ayaa gudoomiyaha Barlamaanka wuxuu kudhawaaqay natiijadii kasoo baxday codeynta isagoo sheegay in 251 xildhibaan ay u codeyeen ansaxinta dowlada halka 92 ay kasoo hor jeesteen, Shariif ayaa isagoo tixracaya codeynta kudhawaaqay in dowladu ansax tahay oo howlahedda billaabi karto.

Si kasta oo ay ahaataba ansaxinta dowlada ayaa waxaa soo dadajiyay hanjabaadyo maalmihii ugu danbeeyay kasoo baxayay midowga yurub iyagoona canbaareeyay qalalaasihii kadhacay gudaha barlamaanka isniintii lasoo dhaafay iyagoona sheegay in ay kafiirsan doonaan deeqaha ay siyaan dowlada haddi aysan wax iska badelin dhaqanadooda ,waxaana la’aminsanyahay tani ay tahay arinta kuqasabtay barlamaanka in fal deg deg ah u sameeyo.

Abdisalan H. Da’ud
sleepnotlonger@gmail.com

Thursday, November 25, 2010

Qormada tafaftiraha

Waxaad inta badan dadka ay maalmihii danbe hadal hayeen dastuurka qabyo qoraalka cusub  oo ay soo bandhigeen gudiga dasturka kaas oo dooda ugu weyn maalmihii danbe ay aheyd arinta laxiriirta federaalka kaas oo dood weyn dhaliyay iyadoo qeyb ahaana dadku ku kala qeybsameen suurta galnimada in laqaato nidaamka federaalka iyo sida uu ugu cuntami karo siyaasad ahaan dalkeena Soomaliya.


Haddaba waa maxay Federaal?


Federaal waa fikrad siyaasadeed taas oo awooda madax banaanida dastuur ahaan loo qeybinaayo 2 qeybood mid ay leedahay dowlada dhexe iyo mid ay leyihiin waaxaha siyaasada degmooyinka ama gobolada ama waxaa lagu qeexa hab ay wadagayaan siyaasada maamulka dowlada hoose iyo doowlad gaboledyadu, dowlada hoose ayaa iyadu waxey mas'uul katahay arimaha nabadgalyada iyo diploomaasiyada halka ay dowlad goboleedyaduna ay mas'uul kayihiin socodsiinta howlaha siyaasada iyo dhaqaalaha gudaha dowlada goboleedyada.


Qaab ahaan federaalku mala jaan qaadi kara nidaamka siyaasada soomalida ee kudhisan Qabiilka?


inta badan dadka Soomaalida waxey si fiican uga dharagsanyihiin qaababkii Soomalidu wax kuqebysaneysay tan iyo markii ay dhacday dowladii milatariga ee Jaalle Max'ed Siyaad Bare sanadku markuu ahaa 1991 qaabkaas oo ahaa qaab kudhisan qabiil iyadoo dowladihii danbana ay awoodaha ku qeybsanayeen qaabka caan baxay ee 4.5 kaas oo sida muuqata ahaa qaab Soomaalida loogu qeybiyay 4 qabiil iyo bar ahna mid hoos loogu dhigayo qoomiyado Soomaaliyeed astaana u ah sad bursiga qabyaalada kudhisan ee soomaalida.
haddaba haddii la eego siyaasadaha is diidan ee qabaa'ilka soomalida lagu daray sad bursiga iyo xaqiraada loo geesto qaar katirsan dadweynaha somaaliyeed ayaa waxey dhalin karta qatar siyaasadeed oo hor leh haddi laqaato federaalka taas oo cawaaqibta kasoo baxdana ay noqon karto mid aan loo wada mahadnaqin tusaalaha ugu fudud ayaa wuxuu  yahay isqabqabsiga siyaasada ee hadda kadhextagaan waaxaha sharci dejinta iyo fulinta dowlada TFG ee laxiriira arinta ansixinta golaha wasiirada kaas oo ragaadiyay howshii looga fadhiyay waaxda fulinta TFG, marka makula tahay haddii lasameeyo federaal xukuumad goboleedyo fara badana ay suurta gal tahay in aan kagudbi karno isqabqabsiyo siyaasadeed? jawaabta arintaan ayaa waxey noqoneysa marka ay ugu yaraato kadaran oo dibi dhal , waxa soo bixi karana waxey uun noqan karan iska hor'imaad siyaasadeed oo hor leh kaas oo markaanna dhibatadiisu noqoneyso in dadkii soomaaliyeed ee iskaga safri jiray gobolo fara badan kunoqda laf dhuun gashay iyadoo ay imaan kartana halkii marki hore ay jirtay waa kuma qabiilkaadu? ay kusoo korodho gobolkaadu waa kee ama xagee gobol ahaan kasoo jeeda? haddii ay taasi dhacdana waa godkii inta badan ay noo qodi jireen cadawga umada soomaliyeed oo aanu kudhacnay.
dadka u ololeeyo federaalka ayaa maalmihii danbe waxey wadeen ololo ay dadka soomalida uga raaridiyaan federaalka iyagoo welibana tageero kahelaya hay'ada caalami ah oo qeyb ahaana aan si fiican ula socon qaabka siyaasada soomaalida iyo sida ay wax u qeybsankaraan iyagoo ololahaasna ay ugu weynayeen sameynta maamul goboleedyo fara badan oo si isdaba jooga ah ugu dhacaayay dhagaha umada weynta soomaliyeed maalmihii ugu danbeeyay sida Waax iyo Waadi, Galmudug, Ximin iyo Xeeb,iyo kii ugu danbeeyay ee looga dhawaaqay dhawaan magaaladatan Nairobi ee Green line State, ujeedada ugu weyn ee laga lahaay ololoyashaan ayaa ahaa in dadka somaaliyeed in badan ay maqlaan federaalka si uu noqdo wax iska caadi ah oo cid shaki aan kudhalin karin, tanina waa dacaayada ugu weyn ee illa hadda guusha u muuqata oo ay sameyeen dadka u ololeeya federaalka,haddii aan si quman oo cilmi kudhisana loo wajihin waa godkii ugu danbeyay ee ladhigi lahaa soomaaliya waana siriqda ugu weyn ee cadawga umada uu ladamacsanyahay dalka.


Qore:- Abdisalan H. Da'ud
sleepnotlonger@gmail.com

Burcad badeed xagla kala duwan

Somalia ayaa waxey leedahay xeeb dhararkeedu dhanyahay illa
 3025 km Somalia oo dhacda geeska Africa ayaa tariikhdeeda danbe waxaa si ba’an u madax maray qulqulado iyo xasilooni daro illa iyo intii ay dhacay dawladi marxuum max’ed siyaad bare sanadku marku ahaa 1991 tan iyo markaana waxaa jiray illa dhowr isku daya ah si loo sameeyo dowlad dhexe oo wada jir ah isku dayadaas ayaa soo socday illa inti laga soo gaaray 2003 xiligaa oo lagu qabtay shir magalada Nairobi halkaas oo ay kasoo baxday dowlada federaalka dimoqoraadiga Somalia si kastaba haa ahaate si lamid kuwi iyada kahoreyay dowlada ayaa waxey noqotay mid howlaheeda ku guul dareysata amaba hadii aan u dhahno si kale dowlad arinta taagan (de facto)
Nolosha dadkeedana waxey noqotay mid ay hareysay faqri iyo shaqo la’aan baahsan tusaala ahaan bangiga aduunka ayaa ku qiyaasay in 40% dadka Somalia ay ku noolyihin xaalad faqri oo daran (1 dollar maalin walba) kudhawaad sedex meelood laba meelna dhalinyarada Somalia waa shaqo la’aan  hadaba  shaqo la’aan iyo iska soo horjeedka qabaa’ilka somaliyeed lagu daray faafida hubka ayaa waxey u fudedeysay dhalinyarad Somalia in ay galaan falal danbi ku ah adanaha dhulka Somalia taaso markii danbana loo sii qaaday badda halkaas oo sanadadi danbe ay kasocdeen falal loogu magac daray burcad badeednimo.

Maleeshiyaadka qabaa’ilka ayaa kadhigay marida xeebta Somalia mid aad ugu adag maritaanka maraakiibta ganacsiga iyo kuwa dalxiiska maleeshiyoyinkaas ayaa waxey sheektaan in ay yihiin kuwo kadafacaya biyaha Somalia wasaqeynta iyo ka kaluumeysiga sharci darada ah waxeyna la baxeen magacyo aan hadda kaxusin karo ilaliyayaasha xeebta bartamaha Somalia iyo wadaniyiinta difaaca xeebaha isla markiina waxey bilaabeen howlo marki isku baday in laqabsado marakiibta nooca ay donaan ha ahaadaane hadaba burcad badeeda Somalia ayaa waxaa ku jura dhamman qabiilada somaliyeed ee waaweyn kuwa daga xeebaha sida eeyl garacad hobyo xaradheere
War bixin uu sameyayna machadka nabada ee amerikana waxaaa lagu sheegay in qaar katirsan madaxda puntlandna ay ku lug leyihiin burcad badeeda iyado wax xooga lacagna ay kasoo gasho howlaha burcad badeednimada

Burcad badeeda Somalia ayaa waxey soo shaac baxday sanadki 2008 markaas oo howlahooda afduubka maraakiibta ay si sa’idiyeen guduhi sanadkii 2008 waxaa dhacay illa 111 weerar oo ka dhan ah marakiibti mareysay xeebaha somalia 47 weeraradaas kamid aha waxaa lagu afduubtay marakiib mid kamid ahna waxaa lagu qabsaday markabkii hubka ee mv faina kaas oo markii danbana lagu soo daayay madax furasho
Dhan 3.2 milyan oo dollar.

Inkasto ay xeebaha Somalia ay kusuganyihiin in kabadan 30  markab oo kuwa dagaalka ah oo kakala socda dowlad badan oo aduunka oo dhan ah  hadana taasi ma aysan yareyn afduubka loogu geeysto marakibta biyaha Somalia tusaalo ahaan afduubka marakiibta looga geystay mudadi u dhaxeysay janaayo illa may akhirkeedi 2009 ayaa wuxuu kabadna afduubyadi dhacay guud ahaan 2008 oo dhan sidoo kale weraradi dhacay 4ti billod ee ugu horeysay 2009 wey kabadnayeen 10 jibaar kuwi dhacay xiligaas oo kale 2008 burcad badeeda Somalia ayaa waxey  sameyn ku leedahay markiibta ganacsiga ee u qadaya alaabaha meelo badan ee calamka ah taasina waxey sameyn kuyeelatay ganacsiga marakiibta calamka waxeyna galisay qassaro lagu qiyaasay 500 milyan 2008 oo qura

HADABA WAA KUMA BURCAD BADEED
Waxaa lasheega burcad badeed Somalia in ay yihiin dhalinyaro u dhaxeysa 20 illa 30 sano oo badana aqoon ahaana ah kuwo hoseeya ana shaqeyn badana ah kuwo kuhubeysan hub fudud sida ak47 iyo garneelada nooca rbg badanana waxaa loo qeybiya sedex qeybood oo kala ah
Burcad badeed kutiirsan qabiil
Burcad badeed dhalinyaro ah oo badana raba in uu gaaro ujeedooyin ay kamid yihiin sida in uu guursado ama uu helo lacag uu kudhoofo
Iyo malay dabato badana loo isticmaalo qibradooda bad mareenimo

Burcad badeeda ayaa badana u shaqeeyo sida in ay yihiin unugyo unug walba waxaa lagu qiyaasa in uu yahay 4 illa 6 qofood oo nidaamsan unug walbana waxaa lasiiya doon iyo hub ku filan in ay qabtaan hoshooda.

 burcad badeeda ayaa waxaa maal galiya maal galiyayaal somaali ah oo degan meelaha kafog xeebaha halkaas oo uu kadhaco afduubka.
 malgaliyaasha si toos ah ugama qeybqataan afduubka marakiibta ee waxey siyaan lacag iyagoo taas badelkeedana kafilaya burcad badeeda in ay kahelaan qeyb marki ay qataan lacagta madax furashada
Hadaba webpage-ka global security network ayaa wuxuu liis gareeynaya illa 4 koox oo burcad badeed ah oo saldhigyo kuleh 4 magaalo oo katirsan Somalia iyo reerka uu ku aftirsado mid walba ee katirsan afartaas koxood ee waawyn
Tusalaha kowaad ayaa ah
Eeyl  waxaa ka ugaarsada beesha ciise max’ud   majeerteen darood
Garacad waxaa ka ugaarsada beesha cumar max’ud majeerteen darood
Hobyo waxaa ka ugaarsado beelaha sacad ceyr iyo saleeban hawiye
Xaradheere waxaa ka ugaarsado beelaha ceyr saleeban iyo saruur hawiye.

Burcad badeeda ayaa waxey isticmalan dooman dheereeya oo xawaarahoodu uu dhanyahay illa 30knots badanana waxey tilmaamsadan doomanka iyo marakiibta aan dhareyn ee kusocda 15knots isla markaana dhinacooda ama janbiga darbiyadooda uu u dhawyahay biyaha taasina waxey kasaacidee in isla markiiba ay u fulaan si deg deg ah

FAHANKOODA GANACSIGA CALAMKA
Waxaa la aminsayahay in burcad badeeda ay leeyihiin illa 7 hab oo ay kusameyaan howlahooda :-
Diyaar garow
Xog aruurin
Weerar agaasiman
Korid ama qabsasho la koro markiibta isla markaana lala wareego
In lakeeno doomaha laqabsado meel u dhow beriga iyo wada hadal lalasameeyo milkiilayaasha markabka ama doonta
Bixinta madax furashada
Kadibna lasiidaayo markabka

Hadaba 7 daan dariiq ayay u maraan burcad badeeda in ay sameeyaan howlahooda burcadbadeednimo
Inkasto burcad badeeda mararka qarkood ay ugaarsadaan xog la’aan ayaa hadana waxaa la aminsanyahay werarada qaarkood in ay burcad badeeda helaan maclumaad kusaabsan halka markabku kasocdo iyo meesha uu kusocda maclumaadkaas ayaa haddana waxaa la’aminsanyahay in ay kahelaan dekada markabka laga soo rarayo iyo xubno katirsan dowlada kadibna wey sugaan waxeyna qabsadaan oo ey lawareegan maraakiibta
Kuwa noocan burcad badeeda ayaa ah kuwa ugu qatarsan

QEYBSIGA MADAXFURASHADA
Tusaale ahaan aan soo qaadano 1 maalgaliye maalgaliyay 4 doon iyo 12 burcad badeed

Faa’iido
                 Maalgalinta
Xarko iyo mashiinka lagu fulo markabka   14,000 dollar
Hub iyo rasaas                                               2,000 dollar
Jaran jaroyin                                                  1,200 dollar
Qalabka isgaarsiinta badda                            4,000 dollar
Baxinta madax furashada                           600,000 dollar
Total faa’iido guud                                     621,200 dollar
Qarashaad
                   Qarashaadka howlaha
                                    
Raashin                                               72,000 dollar
Dayactirka qalabka                             31,200 dollar
Xanaanada dadka saran marakiibta    15,750 dollar
Laluushka lasiiyo madaxda goobha   180,000 dollar
Total qarashaadka                              299,750 dollar
Faa’iido
             Guud ahaan faa’idada                                                                321,450 dollar
                                                Total faa’iido laga jaray maalgalinta      300,250 dollar
Sheerka malgaliyaha             120,250 dollar
Sheerka burcada(12)              180,000 dollar
Mid kasta burcad badeed         15,000 dollar

QASAARAHA BURCAD BADEEDKA DHAQAALAHA CALAMKA

Burcad badeeda ayaa waxey kukeentay dhaqaalaha calamka khasaaro aad u weyn sida laga soo xigtay hay’ada u qaabilsan markiibta calamka ayaa waxey sheegtay in caymiska maraakibta u saa’iday illa 20,000 dollar halki rarba
Sidoo kale haddii laga fogaado marida biyaha khaliijka cadmeed oo ay adaan maraakiibtu marinka cape of good hope ee south Africa ayaa safarka maraakiibta ku sa’idinaya illa 3,500 mayl xiligan oo qimaha shidaalkana cirka isku shareeray taasina waxey u muqata mid ayadana aan suurto gal aheyn
Sidoo kale haddii maraakiibta lagu rakibo qalab u suurta galinaayo in ay maraan meelaha aadka mookla u ahna wuxuu ugu kacaya maraakiibta 20,000 illa 30,000 dollar
Haddii laqorana shaqaale amaan oo saran maraakiibta dushoodana waa mid iyana qaali ku ah maraakiibta haddii ladhaho hala qoro doon yar oo markabka raacdana waxaa ugu baxaya markabkiiba 1.3 milyan bil walba
Haddii lasoo kireeyo marakiib dagaal oo waardiyeeya marinka cadmedna waxaa ku baxeysa kudhawaad 200 illa 350 milyan oo dollar  sanad walba haddi ay taa dhacdana qiimaha wax walba ee calamka ayaa waxey noqonayaan qaali
Wadamada degaanka iyo kuwa Somalia ladariska ahna taas waxey kukeneysa sicir barar xad dhaaf ah xiligan oo dhaqaalaha aduunkana ku jiro hoos u dhacna waxey kuyelaneysa sameyn waarta .

Tusaale ahaan kanaalka suweys ee masar waxaa larajeynaya in uu kuyimaada hoos u dhac xaga mariinka marakiibta iyo mid lacagihii kasoo gali jiray dowlada masar kanaalka suweys tusaale ahaan waxaa lasadalinaya in ay hoos u dhacdo lacagti kasoo gali jirtay masar 5.1 bilyan oo dollar 2008 illa 3.6 bilyan oo dollar hoos u dhac 30% lacagta kasoo xarooto kanaalka suweys ee masarna waa lacagta sedexaad ee ugu adag ee usoo xaroota dowlada masar marka laga reebo dalxiiska iyo lacagaha ay u diran muwaadiniinta masar ee dibada asxaabtooda gudaha masar

Isku soo wada duube Qasaaraha tooska ah iyo midka aan tooska aheyn ee ay u geeysteen burcad badeedka dhaqaalaha aduunka ayaa waxaa lagu qiyaasa 1 bilyan illa 16 bilyan oo dollar
Qore:- Abdisalan H. Da’ud

Maxaa sababa tabardarida galmada (kacsiga dumarka)

Maxaa sababa tabardarida xaga galmada (kacsiga) ee soo wajahda dumarka?

 

Tabardarida soo wajahda dumarka xiliga galmada ee afka qalaadna lagu magacaabo (sexual dysfunction) ayaa waxaa lagu qeexa dhibaato soo wajahda xiliga isu taga jinsiga taas oo alaaba lala xiriiriyo qanaaco la’aan kadhalata isu taga.

 

Tusaale ahaan culimada amaba dhaqaatiirta jinsiga ayaa waxey sheegaan in illaa 4 heer uu maro isu taga jinsiga taas oo ah, dareemid raaxo marka hore, u bislaasho galmo, kacsi, iyo weliba raali ahaanshiya imaato kadib marka ay dhammaato howsha isu taga taas oo qof walba 2da lamaane ay dareemayaan in ay gareen meel ay u wada hanqaltagayeen oo ah in mid walba uu qanciyay midka kale.

 

Cilmi baaris lasameeyay ayaa waxey soo jeedisay 43% dumarka iyo 31% ragga in ay so wajahaan culeysyo kaheysta xagga jinsiga, mowducaan ayaa ah mid inta badan dadka ay nacebyihiin in laga hadlo lakiin nasiib wanaag keysaska inta badan ee cuduradaan ayaa ah mid si fudud loo daweyn karo sidaas darteed ayaa waxaa muhim ah in aad lasameysid wada tashi lamaanahaada iyo dhaqtarka cafimaadkaada.

 

Hadaba maxaa sababa dhibaatooyinkaan?

 

Asbaabaha sabab cudurkaan ayaa waxaa la’aminsanyahay in ay yihiin laba sabab oo kala ah 1- asbaabo ah fisikaal ( physical causes ) 2- asbaabo ah wal wal laxiriira saykoloji (psychological causes).

asbaabaha fisikaalka ah ( physical causes) sababahaan ayaa ah mid laxiriirta cafimaad iyadoo ay jiraan cuduro si toos ah loola xiriiriyo in ay sabab u yihiin in haweyneydu uu kudhacao cudurkaan tabardaridi xagga galamada iyadoo cuduradaasna ay yihiin sida cudurka kaadi macaanka amaba sokorowga (diabetes) cudurada kudhaca wadnaha ( heart diseases), cudurada kudhaca neerfaha (neurological diseases), isu dheelitir la’aanta  hormoonada (hormonal imbalances),cudurada karoonikada ah sida cudurka fashilka kilyaha (kidney failure), iyo cudurka kale ee fashilka beerka ( liver failure ), cabida xad dhaafka ah ee alkolada amaba khamriga, isticmaalka daroogooyinka iyo weliba dhibaato dhinaceedka ay leyihiin qaar katirsan dawooyinka sida (antidepressant drugs) kuwaas oo loo isticmaalo daweynta dadka qaba walaaca ama shooga, dhammaan asbabahaan ay waxey dhaliyaan hoos u dhac kuyimaada damaca xagga galmada.

asbaabaha saykolojiga amaba laxiriira dhimirka ayaa isugu jira asbaabo laxiriira daalka amaba istareeska walaac ( anxiety), walaac ay kaqabto haweneydu  galmada, dhibaatooyin xagga xiriirka u dhaxeeya labada qof , welwelka xad dhaafka ah , dareemid ah in haweyneydu dareemto eednaan, amaba welwel kudhacay haweeneyda isu tag galma hore oo ay cabsina ay kaqabto galmada.

 

Yuu kudhaca dhibaatooyinka tabardarida galma?

 

Guud ahaan rag iyo dumarba wuu kudhici kara wuxuuna kudhaca dhamman labada jinsiba da’ kasta badanaana wuxuu kudhaca dadka qaangaarka ah ee cafimaad ahaana aan aheyn kuwo aad u cafimaad qaba oo nafaqa ahaana aan aad u nafaqysneen.

Sidee u sameeysa tabardarida galmada dumarka?

 

Dhibaatooyinka ugu caansan ee illa hadda la ogyahay ee laxiriira tabardarada galmada dumarka ayaa ah.

 

awood la’aanta xagga rabida galmada (inability to sexual desire) arimahaan ayaa iyagu waxaa lala xiriiriya la’aanta in ay haweneydu rabitaankeeda xagga galmada uu hoseeyo oo aysana wax han ah u heynin galmada waxaana la’aminsanyahay in cunsuro badan ay taa ugu wacanyihiin sida isbedelka hormoonada, xaaladaha caafimaadka iyo daweyn laga soo daweeyay cudurka kansarka iyadoo doweyntaasna loo maray kiimiko (chemotherapy), sidoo kale welwelka kaheysta haweeneyda ficiladeeda ayaa iyana qeyb kaqaata waxaa kale oo iyana door kuleh habka isku xiga galmada iyo wareegyada galmada (sexual routines) tani ayaa iyana waxaa la’aminsanyahay in ay kaqeyb qaadato rabitaan la’aanta galmada , iyo ugu danbeyn qaabka nolosha haweneyda.

awood la’aanta in ay si wanaagsan u dareemto amaba u kacsato (inability to become aroused), dareemid la’aanta haweneyda xiliga galmada ayaa allaaba waxaa lala xiriiriya yarida qoyaanka xubinta tarenkeeda ( vaginal lubrications) sidoo kale waxaa si toos ah loola xiririya walaaca iyo weliba in aysan haweneyda aysan u istimtaacin si kufilan, baarayaasha cudurada galmada ayaa waxaa kale oo ay  kuhowlanyihiin sidii ay u ogaan lahayeen sameynta uu kuleeyahay qulqulka dhiiga xubinta taranka dumarka iyo kintirka (clitoris) iyo sida uu uga qeyb qaato dhibaatooyinka kaheysta haweenka kacsiga.

xanuun kaqabsada xubinta taranka haweenka xiliga galmad (painful during intercourse) xanuunadaan dhaca xiliga galmada ayaa waxaa sababa dhibaatooyin fara badan oo ay kamid yihiin infakshanka xubinta taranka haweenka, cufnaanta amaba mugga  berkada xubinta taranka haweenka ( pelvic mass), cudurada lagu kala qaado galmada (STD) iyo xaalad lagu magacaabo (viginismus) taas oo ah xanuun iyo xafaf kasoo wajaha haweenka murqaha kuxeeran afaafka hore ee ilinka amaba albaabka hore ee xubinta taranka haweenka wuxuuna kudhaca haweenka badana kabaqda isliska 2da xubnood ee taranka dumarka iyo ragga.

 

Side loo baara tabardarida galmada dumarka?

 

Si loo baaro taabardarida galmada dumarka ayaa dhaqtarku wuxuu bilaaba ugu horeynba in u sameeyo baritaan dhanka jirka ah ( physical exam) isaga oo qimeynaya astaamaha uu leeyahay cudurkaan ayaa dhaqtarku wuxuu sidoo kale sameeya baarida berkeda xubinta taranka ( pelvic exam) si uu u qimeeyo fayi qabida xubnaha taranka isagoo welina sameeya baritaan dheer oo lagu magacaabo (Pap Smear) kaas oo ah in labaaro unugyo laga soo qaaday dhuunta hore ee minka amaba riximka si looga baaro in haweeneydu qabto cudurka kansarka ee dhuunta riximka (cervical cancer),baritaanka noocaan oo kale ahana waxaa lagu ogaado xaaladaha kahoreeya kansarka kudhaco dhuunta riximka (precancerous conditions) hadaba baritaankaan ayaa sidoo kale waxaa lagu ogaada isbedelka unugyada dhuunta riximka , alaabna baritaankaan wuxuu kasaacida dhaqtarka in uu u sameeya bukaanka daawada ugu haboon si loo daaweeyo mushkiladaha ay dhaliyaan cudurada kudhaco taranka haweenka.

 

Side loo daweeya tabardarida galmada dumarka?

 

Sida ugu haboon ee loo daweeyo tabardarida galmada dumarka ayaa ah dadaal wadareed ay sameeyaan hawaneyda qabta cudurka, dhaqtarka, iyo qof u tababaran daweynta dadka qaba cudurkan badanaana noocyada cudurkaan kuwa ladaweyn karo sida kuwa laxiriira dhibaatooyinka xagga dhimarka (psychological problems) ayaa si fudud loo daweeya kadib marka ladaweeyo ugu horeynba dhibaatada xaga dhimirka ah taas oo ah mida kusababtay dhibanaha in uu helo cudurkaan tabardarida galmada sida welwelka (anxiety) shooga  iyo wixii lamid ah.

 

I stiratijooyinka kale ee lagu daweeyo cudurkaan ayaa ah sida soo socota:-

 

Qofka oo lasiiyo aqoon kufilan ee xagga isu taga jinsiga (providing education) aqoontaas oo ah sida ay u sameysanyihiin xubnaha jirka banii aadamka gaar ahaan kuwa laxiriira jinsiga, sida galmadu u shaqeyso iyo isbedelka caadiga ah ee laxiriira hurumarida cimriga aadanaha iyo sida uu ugu leeyahay sameyn dhaqanka galmada intaa waxaa si dheer bukaanka oo loo sheego in uu wax kabedelo dhaqanka galmadiisa isagoo lagula taliyo haddi dhibaatooyin dhimarka ahna heystaan in uu aado dhaqtar sameeya tashiga xaga dhimirka (consoling) si uu uga samata baxo dhibaatooyinkaas.

Dar dar galinta istimtaaca (enhancing stimulation) arintaan ayaa waxaa soo geli kara in in la’isticmaalo waxyaaba dareenka kiciya sida muqaalada qaawnaashada buugaagta kahadlo qaababka galmada si qofka loo dar dar galiyo dareenkiisa isla markaana loo kiciyo dareenkiisa iyo damaciisa dhinsan ee laxiriira galmada.

Yareynta xanuunka xiliga galmada (minimizing penetration pain during intercourse) tan ayaa iyana ah mid kale oo ah wax tar si loo daweeyo xanuunkaan waana in looga taga haweneyda xiliga galmada meel qeyb ahaan yareyn karta xanuunka kasoo wajaha isliska xubnaha taranka xiliga ay socoto galmada, waxaa kale oo lagu taliya si loo yareeyo xanuunka isliska in la’isticmaalo waxyaabo lagu qooyi karo xubinta taranka haweneyda sida qooyaha canbarka ee afka qalaadna loogu yeero ( vaginal lubricant) kaas oo ah waxyaabo sibix ah oo la mariyo xubinta taranka kahor galmada si uu u yareeyo suurta galnimada xanuun kadhasha isliska, sidoo kale waxaa lasheega in kuqubeysashada haweneydu ay ku qubeysato biyo kulu kahor wax yar galmada uu kasaacidi karo in wax xooga qoyaan ah ay kasoo bixi karaan xubinteeda taranka xiliga galmada.

 

Mala daaweyn kara tabardarida galmada dumarka?

 

Daaweynta guusha kudhmaata ee tabardarida galmada dumarka ayaa uun waxey kuxirantahay marka hore asbaabaha sababay tusaale ahaan muqaalka kore ee daaweynta fudud ayaa ah kuwa sida fudud loo daweyn karo ee badanaana laxiriira arimaha dhanka saykolojiyada ee uu dhaliyo walaaca shooga iyo daalka laga qaado shaqada ( work stress).

 

Sidee sameyn ugu leeyihinn hormoondu tabardarida galmada dumarka?

 

Hormoonada ayaa waxaa la’aminsanyahay in ay door kuleyihiin qabeynta shaqada galmada dumarka iyadoo sidoo kalena lasheego in hoos u dhaca hoormoonka lagu magacaabo estrogen ee isaga doorka kaciyaara qaabeynta hoowsha galmada dumarka uu leeyahay dhibaato fara badan hormoonkaan ayaa waxaa si toos ah yaraanshiyahiisa loola xiriiriya horumarka da’da amaba ciriga haweneyda iyadoo xiliga ay kusii dhawaneyso quusta (menopause) uu sii yaraado, inta badanna dumarka waxey usoo joogaan isbedalo dhanka galmada marka uu cimrigoodu horay u maro isbedaladaas oo isugu jira in qoyaanka xubinta taranka yaraado, iyo dareenka afka canbarka oo yaraada.

Daraasado dheraad ah oo lasameeyay dhawanahaana waxey soo jeediyeen in hoos u dhaca kuyimaado hormoonka ragga ee dhinaca galmada uu isagu xitaa door kuleyahay kana qeyb qaato yaraanshiyaha damaca galmada dumarka, dhaqaatiirta cafimaadka ayaa weli waxey baritaan kuhayaan faa’iidada hormoonada iyo qaar katirsan dawooyinka sida Viagara oo inta badanna dadku wada garanayaan ay u leeyihiin daaweynta dhibaayooyinka galmada dumarka.

 

Sameyn ceynkaa ah ayuu ku leeyahay qaliinka lagu magacaabo (Hysterectomy) tabardarida galmada dumarka?

 

Haddaba in badan oo katirsan dumarka ayaa waxaa soo wajaha dhibatooyinka tabardarida galmada marka lagu sameeyo qaliinka afka qalaad lagu magacaabo (Hystrerectomy) kaas oo ah in lagu sameeyo  haweyneyda qaliin amaba jaraaxo lagaga saarayo riximka, dhibatooyinkaan ayaa waxey isugu jiraan in ay kudhacdo haweneyda damac la’aan amaba u baahnaashiyo xagga galmada iyo in ay hoos u dhacaan qoyaanada kasoo baxa xubinta taranka, waxaa kale oo kudhaca xafaf iyo xanuun badan oo kasoo wajaha xubinta taranka, waxaana dhaqaatiirta cudurada jinsiga ay aminsanyihiin in ay taa ugu wacantahay isbedelka xagga hormoonada ee kudhacaya haweenka marka laga saaro riximka tiiyo ay sii dheertahay waxyeelada gareysa neerfaha xubinta taranka qalinka  dartiisd ay yareyn karaan dareenka illaah u siiyay xubinta taranka dumarka in ay dareento jinsiga kasoo horjeeda (ragga).

 

Sidee sameyn ugu leedahay quusto(Menopause) tabardarida galmada dumarka?

 

Haweenka ayaa marka ay garaan xiliga quusta amaba marka ay joojiso in ay kudhacdo caadado waxaa hoos u dhaca homoonka lagu magacaabo Estrogen kaas oo qeyb ahaan qabta shaqada laxiriirta dhaqanka galmada sidoo kale dareenka ah in haweneydu ay kusii dhawaaneyso quusta ayaa wuxuu ku leeyahay sameeyn in wax xooga haweenka uu yaraado dareenkeeda xagga galmada dabadeedna ay adkaato in ay si wax ku ool ah ay u dareento galmada, waxaana jira xaalado mar mar dhaca oo ah in haweenka qaar uu dareenkooda xagga galmada uu saa’ido xiliga ay kusii dhawaneyso quusta taas oo badana lala xiriiriyo haweenka aan horay wax u dhalin kuwaas oo is leh kahor quusta aad wax dhashid.

 

Gormee ayaad u bahantahay in aad dhaqtar kala xiriirtay dhibaatooyinka tabardarida galmada?

 

Inta badan haweenka wey loo darsaan dhibaatoyinkan tabardarida galmada waqti uun katirsan noloshooda, si kata oo ay ahaataba marka ay si joogta ah u cabato ayaa waxey ku sababi karaan haweneyda iyo lamanaheeda dhibaatooyin xagga qoyska ah kuwaas oo ku yeelan kara sameyn aan wanaagsaneyn xiriirka qoyskooda, haddaba haddii aad si joogta uga cabato dhibaatooyinkan laxiriir dhaqtar si uu u qimeeyo dhibaatada ku heysata dabadeedna uu u daweeyo.

Qore Abdisalan H. Da’ud

sleepnotlonger@gmail.com